Maxkamad ku taalla Shiinaha oo xukuntay Nin Muslim oo gar weyn lahaa

Maxkamadda Degmadda Kashgar ee dalka Shiinaha ayaa xukun ku riday Nin Muslim ah oo ka soo jeeda Muslimiinta laga tirada badan yahat ee ku nool Shiinaha ayaa lagu soo oogay inuu lahaa gar weyn.

Wargeyska The China Youth Daily ayaa qoray in Ninkaasi oo 38-jir ah uu dhegaha ka fureystay amar ay Maamulayaasha Gobalka Jinjiyaang sannadkii hore mamnuuceen inay ragga Muslimiinta gar weyn yeeshaan.

Xaaska u dhaxda  Ninkaasi ayaa iyadana lagu xukumay 2 sanno, kadib, markii ay Dacwad-oogayaasga ku soo oogeen inay xirato  Indha-shareerka.

Muslimiinta laga tiro badan yahay ee ku nool qeybo ka mid ah dalka Shiinaha ee shuuciga ah waxay la kulmaan cadaadis iyo in laga xakameeyo Dhaqanka Islaamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor