Maxkamadda Mombasa waxay afar Burcad-baddeed Soomaali ah ku xukuntay xabsi muddo 42-bilood, kadib, markii lagu soo oogay inay afduubteen dooni Kalluumeysi.
Burcad-baddeedaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegayรย Hassan Aden, Ali Abdi Fita, Abdi Liban iyo Dahir Afran, waxaana lagu eedeeyey inay weerareen , isla markaana ay bishii Janaayo 6-dii ilaa 7-dii ee sannadkii 2012-kii qafaasheen Dooni Kalluumeysi oo lagu magacaabo Daahiri oo maraysay Badweynte Hindiya.
Garsooradda Sare ee Maxkaamadda Mombasa, Joyce Gandani ayaa sheegtay inay Burcad-baddeeda u adeegsadeen qori AKรย 47 iyo Bam-gacmeed si u afduubtaan Doonidaasi, isla markaana ay doonayeen inay u adeegsadaan Markab ay wax ku afduubtaan.
Kaaliyaha Agaaismaha Dawad-oogaha Dowladda, Catherine Mwaniki ayaa ka codsatay Maxkamadda in Afarta Burcad-baddeeda lagu xukumay xabsi daain.
Waxay kaloo ku gacan sayrtayin Burcad-baddeeda xabsigooda ku dhamaystaan gudaha Somalia, iyadoo sheegtay inaysan Dowladaha Kenya iyo Somalia lahayn Heshiis ay isku weydaarsadaan Maxaabiista.
Dhinaca kale, รย Garsooradda Sare ee Maxkaamadda Mombasa, Joyce Gandani ayaa Burcad-baddeeda ku xukuntay min 42 bilood oo Xabsi ah.
Afarta Burcad-baddeed ee la sheegay inay yihiin kuwii ugu dambeeyey ee ayรย Ciiddanka Badda ee Caalamka soo qabteen, laguna xukumo Kenya tan iyo sannadkii 2006-dii.
รยฉ Radio Dalsan