Maxkamad amartay in Xabsiga lagu sii hayo dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii Nairobi

3 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay Telefoon kula hadleen dad ku sugan gudaha Somalia ayaa shalay la soo taagay Maxkamad, waxayna Ciiddanka Boliska codsadeen in loo oggolaado inay Eedeysanayaasha sii hayaan muddo 30-maalmood ah.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska ku tuhunsan yihiin Eedeysanayaashaasi weerarkii ay Al-Shabaab isbuucii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, ee ay 21-qof ku geeriyootay.

Wargeyska waxa uu qoray in La-tuhunsanayaasha la xiray uu ku jiro Iimaam Masjid ku yaalla Mandhera iyo Nin Ethiopian ah iyo Haweeney Kenyan ah, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Mukhtaar Cali, Zakiina Cabdalla oo Kenyan ah iyo Isaaq Xuseen oo Ethiopian ah.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, oo lagu magacaabo MONIKA GATHAYGA ayaa sheegay in saddexdaasi qof laga duubay Codad, xilli ay Telefoonka kula hadlayeen dad ku sugan gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay maalmihii la soo dhaafay wadeen Hawlgalo ay ku soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii Hotelka DUsit D2, iyadoo qaar ka mid ah La-tuhunsanayaasha la sii daayey, halka kuwa kalena weli ay ku jiraan Xabsiyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor