Maxbuuska oo lagu magacaabo C/weli Dhayib una dhashay dalka Syria ayaa masaafuris ahaan ugu nool dalka Uruguwaay ee Koonfurta Qaaradda Amerika ayaa la sheegay inuu ku jiro Cunto-ka-soomid. Wuxuuna dalbanayaa inuu dib ula midoobo Qoyskiisa.
Saraakiisha dalka Uruguwaay waxay sheegeen in Maxbuuskaasi lala hadalsiiyey Xaaskiisa oo lagu magacaabo Yusra Dhayidb oo ku sugan Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.
Maxbuuska oo isagoo jiifa sarriirtiisa Laptopka kala hadlay Xaaskiisa waxa uu sheegay haddii uu geeriyoodo inay ka mas’uul yihiin Dowladaha Uruguwaay iyo Maraykanka.
Waxa uu soo bandhigay 2 Shuruud oo ah inuu Qoyskiisa kula midoobo Waddanka ay doortaan ama uu ku dhex dhiman doona dalka Uruguwaay.
Dhinaca kale, Dowladda Uruguwaay ayaa sheegtay inay raadinayso dal kale oo Maxbuuska qaabili kara, si loo badbaadiyo.
©Radio Dalsan