Maxay ka wasda hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed Binu Salmaan?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabi ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxa uuna madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mar kale ka codsaday dowladaasi in ay ka taageerto dhinacyo badan ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Sacuudiga u tagay ka qeybgalka Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah madaxda Carbeed ee shirkaasi ka qeyb gashay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyay shirka Madaxda Carabta ayaa la wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor