Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa habeenkii xalay aheyd kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka dhexmaray Xasan Sheekh iyo Taliye Xijaar ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho iyo khalalaasihii dhacay ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Mucaaradka.
Sidoo kale inta uu socday kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga arrinsaday qorshaha sugida amniga Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada dalka ka dhaceysa.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh uga mahadceliyay sida wanaagsan ee u qaabilay, kadib markii uu hoygiisa ku booqday.
Kulanka dhexmaray Taliyaha iyo Xasan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalintii shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Farmaajo, sidoo kalena goobihii ay ku sugnaayeen lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda.