Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi ka socday Jarmalka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Wasiiru dowlaha Horumarinta ayaa waxa ay wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka.

Xamse ayaa uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor