Maxaa looga hadlay Shirkii Muqdisho ku dhex-maray DF iyo Dowlad Goboleedyada?

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya Xasan Macalin Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wasiirrada caddaaladda iyo Dasruurka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Kulanka oo casho ahaa ayaa aad loogu falanqeeyay horumarinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada heer ee wasaaradaha Dastuurka iyo caddaaladda, dardar gelinta qorshaha qabya tirka dastuurka, hir-gelidda hannaan caddaaladeed loo simanyahay oo bulshada u horseeda garsoor hufan.

Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa caddeeyay in iyada oo la fulinayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah iyo barnaamijoa xukuumadda Dan-qaran, inay muhiim tahay isku xirnaanta wasaaradaha, maadaama wada-shaqeyntu ay tahay tiirka 1–aad ee guusha.

Wasiirrada dowlad gobaleedyada ee shirka ka qeyb galay oo wasiirka uga mahad celiyay qabashada kulankaan muhiimka ah ayaa ballan qaaday wada-shaqeyn buuxda si loogu guuleysto hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh, si qabya tirka dastuurka loo dardar geliyo, looguna sal-dhigo caddaalad sal adag oo horseedda horumar bulsho.

Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar joogta ah oo wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka XFS, Xasan Macallim Maxamuud uu la yeelanayay dhammaan dhinacyada wada-shaqeyntu kala dhexeyso si loogu gogol xaaro taabba gelinta qorshayaasha qaran ee wasaaraddiisu u xil-saarantahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor