Maxaa looga hadlay kulanka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Shirka Degmooyinka iyo deegaanada Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa Todobaadkaan looga hadlay Adkeynta Amniga iyadoo la isku xeraayo Bulshada iyo Laamaha Amaanka si looga hortago falalka amni darro ee xilliyada qaarkood ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale inta uu socday kulanka Todobaadlaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa diirada lagu saaray Sare u qaadida Bilicda iyo Nadaafada Muqdisho iyo u gurmashada dadka ay Abaaruhu  saameeyeen kuwooda soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardarmaay Madaxda degmooyinka Gobolka in bulshada si hufan loogu qidmeeyo iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta maamulka degmada, laamaha amniga iyo shacabka si loogu guuleysto ka hortaga  falalka amni darro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor