Maxaa looga hadlay kulanka Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka?

Waxaa goordhaweyd soo gaba-gaboobay shir Kulan Aalada la iska arko ku dhexmaray Midawga Musharixiinta iyo Wakiilada beesha Caalamka, waxaana shirkaasi loga hadlay aarimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay arimaha doorashada Soomaaliya, iyadoo ay qayb ka ahaayeen Midawga musharixiinta, waxaana ka qayb galay Musharixiinta kala ah, Xasan Cali Khayre, Xasan Sh. Maxamuud, C/maan Cabdishakuur iyo Shariif Xasan Sh Aadan.

Dhanka kale Beesha Caalamka wakiiladooda waxaa kamid ahaa Wakiilka Qaramada midoobay Iyo   Shan Safiir oo ka socday dawlado iyo urur goboleedyo.

Midawga musharixiinta waxay si cad usheegeen mowqifkooda doorasho ee ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, waxay sheegeen in aanay mar naba aqbalayn sida ay Villa Somalia hada wax ku wado, iyagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wado maran habaabin iyo cabburin siyaasadeed.

Waxaana Beesha caalamku ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan sidi dalka ay uga dhici laahyd doorasho Xor iyo xalaal ah, taasi oo la isla ogol yahay, waxaana intaas ay ku dareen  inay ka shaqayn doonaan in dalka ay ka dhaci laahyd doorasho la isla ogol yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media