Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray MW Xasan Sheekh & dhiggiisa MW Joe Biden?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed inay deegaannadood difaacdan.

Madaxweyne Biden ayaa waxa uu adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: