Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Gargaarka bini’aadantinimada, Mr. George Conway oo ay wehelinayeen madaxda ugu sareeya toban Hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.
Kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha qaramada midoobay ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan.
Sidoo kale Madaxweynuhu ayaa wuxu ku booriyey madaxda Wasaaradaha kala duwan iyo hay’adaha Qaramada midoobay inay kuwada shaqeeyaan isfahan iyo shuruucda u dejisan Maamulka
Weftiga waxa ku wehelinayey Ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Mr. Crispen Rukasha Wakiilka OCHA, Mr.Ruger Kahwa, Madaxa Xafiiska OCHA, Mr. Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF, Mr. El-Khidir Daloum Mahmoud, Wakiilka WFP, Mr. Frantz Celestin, Madaxa IOM, Mr. Charles Mballa, Wakiilka UNHCR, Mr. Abdoul Karim Bah, Madaxa Xafiiska FAO, Ms. Anna Maria Adhikari, Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG/RC/HC, Mr. Nikolai Rogosaroff madaxa UNSOM iyo Abdi Askar oo ka socda Xafiiska Hargeysa.