Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Guddoomiye Aadan Madoobe & Dhiggiisa Turkiga?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan.

Sidoo kale Guddoomiye  Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay in la sii laba jibaaro wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor