Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle ay kulankooda uga wada hadleen iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha ayaa shalay caasimadda Kenya ee Nairobi u gaaray ka qeyb galka Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.