Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu dhawaan ugu baaqay dalalka ay Isbahaysiga yihiin inay joojiyaan Shidaalka ay ka soo iibsadaan Iiraan, si Go’doomin dhinaca Dhaqaalaha la geliyo dalkaasi.
Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani waxa uu ka hor yimid Qorshahaasi, wuxuuna ku goodiyey inay khatar ka dhalan karto Cunaqabatayntaasi.
Waxa uu sheegay haddii uu Maraykanka taaba-geliyo arrintaasi inay xayiri doonaan Gacan-biyoodka Homuuz ee ay maraan inta ugu badan Maraakiibta Shidaalka ka qaada dalalka Bariga Dhexe.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Siyaasadda Qorsheynta, Brian Hook waxa u ushalay u sheegay Saxaafadda inaysan Iiraan ahayn dal caadi ah, wuxuuna sheegay in loo baahan yhaay inay taaba geliyaan 12-kii Qoddob ee ay Iiraan ka dalbadeen.
Waxa uu tilmaamay inaysan Istaraatijiyadda cusub ahayn in la bedelo Dowladda Iiraan, balse ay tahay Tallaabo lagu bedelayo waxa uu ugu yeeray Dabeecadaha Hoggaaminta ee dalak Iiraan.
Cunaqabataynta Cusub ee Mraaykanka la maagan yihiin Iiraan ayaa la sheegay in la dhaqan gelin doono bisha soo socota ee August 4-da, iyadoo la begsan doono Gaadiidka Iiraan iyo Ganacsiga Dahabka iyo Biraha kale ee muhiimka ah.
Cunaqabatayn kale ayaa la filayaa in la soo rogo bisha November 6-da ee saannadkan, iyadoo diiradda la saarayo dhinaca macaamilaadka la xiriira Shidaalka iyo Bangiga Dhexe ee Iiraan.
Dowladad Maraykanka waxay Tallaabooyinkan ku dhawaaqday 2 bilood kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ku dhawaaqay inay ka baxeen Heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ee ay Quwadaha waa weyn wax ka saxiixeen sannadkii 2015-kii.