• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, June 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxaa Adeerkeey Wasiirnimo loogu diiday????. Maqaal Xiiso Leh

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 25, 2017
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maxaa Adeerkeey Wasiirnimo loogu diiday????.

Hadeeyna Khayre iyo Farmajo ka shanlaayin , cadaalad darada lagu sameeyay Adeerkeey iyo Beesheeyda. Adeerkeey  maxaa loogu diiday in uu noqdo wasiir fiiri: CV-giisa waa la mid kuwa la magacaabay fiiri CV-yadooda, cid CV-geeda la soo hubiyay ma jirtaa?, kan adeerkeey ayaaba beesheeno hubisay hoos ka aqri:

CURRICULUM VITTE.

Magaca: jaamac muudeey qowdhan siidoow, waxa   aan ku dhashay degmada waaq waaq .sanadkii  1935 ama 2005 tii aad doonto u qaado.

WAXBARASHADA

Waxa aan soo hormarsaday  PhD, oo aan  ku qaatay sharciga-International LOW  iyo conflict resolution  jaamacada st. georgi warsame ee NY 2015, markaa sannad kadib ayaan BA ka qaatay jamacada Toronto  association sanadkii 2016 aniga oo ku taqasusay caafimaadka iyo xiriirka caalamiga ah, laakin dib ayaan u dhigtay shahaadada  Mastarka MA,  8 sano kadib ayaan bilaabaya,.

waxaan Dibaloome ka qaatay Jaamacad Hindiya ku taal magaceeda ayaa iga maqan, Waqtigaa kadis igu noqday ee haddii loo baahdo CV kan ka fiican waa iga diyaar, waxaana ka heeystaa shahaadada CPA, CPPU, MAU, RPD. waxaa kale oo aan shahaado ka heeystaa American International Open University  ee magaalada Xosijiin Mii ee koofor waqooye dalka shiinaha waxaana aan ku taqasuusay Media expert, yaan meelna wax kaaga fakan iyo Bachelor of Science, Office Administration ee State University College of Tuffilo- New York iyo Ohio, dowladii horena  iyada oo ii magacaabi rabta xil wasiir ayeey iga dhacday.

SHAQO & KHIBRAD

waxaan Hore u soo maamulay Miisaaniyad dhan  $250 million, waxaan madax ka noqday xafiisyada UNICEF, FAO, IGAD, EU, UNHCR, OXFARM, African Union, European Union, chines refugee council, , UNOSOM, Qatar Airline, Agaasime xafiis Bankiga aduunka shaqadana waan ka tagay si aan u sii wato wax barashadeeydii dugsiga sare 2001dii, muddo sideed sanno ahna waxaan ahaa  director of Operation UNDP .

Nabadgalyada dalka waa sugi karaa, waxaa qabaa tababar dhica nabad galyada Hotel security 3 bilood ah, in kastoo aanan la ii soo dirin natiijadii imtixaanka, Waxaan noqon karaa La taiye, bad iyo biri, aduun iyo aakharo, dayax gacmeedyada iyo arrimaha UFO.

Waxaa kale oo aan noqday wasiir maamul gobaleedka beesheeyda ee Quuq land, UNPOS, safiir Boqortooyada aanu saaxiibka nahay ee ….. magacii ayaa iga maqan beri ayaan foomka ku soo buuxinayaa, 6 bill ayaan uga baxay dugsiga sare ka dibna waxaan noqday Ganacsade caan ah. Wxaan hore u ahaa Qareenkii ugu fiicnaa Kanada ,halkaa ayaana wax ku bartay, markii ay kanadiyaanku sharciga ila fahmi waayeen ayaan Somalia u soo tahriibay si ummaddan somaliyeed ee wax ila fahmeeysa aan uga faa’iideeyo.

Waxaan ku hadlaa 16 luqadood, in kastoo af-somaliga aanan ku fiicneeyn, 40 sanno oo khibrad nololeed ah, kayar ama ka badan hadba tii loo baahdo, waxaan leyahay 11 NGO, 9 batante, ( driving licenses ) kala heer ah .B12,B6,C, D,L B complex. Waxaan heeystaa 4 paasport.

GARDARO:

Bal ninka aqoontaa waxbarsho iyo khibradaa shaqo leh ee aan loo magacaabin mid ka mid ah wasiirada waaweeyn ee dufanka leh soow dulmi ma ahan.

BEESHA MAXAA LA HABOON.

Beesheenu cadaalad daro ayeey tirsanee, wasiir aan noo qalmin.( xoola miyaa maxaa loo qalaa-midi afle ma heeystiin miyaa?). Arrintaa waxaan u xilsaarnay   duubka beesha ee aan cidi duuban, Nabadoonkii iyo xildhibaankii uu soo xulay isaga oo la kaashanaya jeebkiisa iyo hunguri ku habsadayaasha  beesha , arrintaasi nooma cuntanato( sii fiican u kari Hilib miyaa naga maqan mise cunto –nooma cuntanto aa!!!).

Wxaan u gudbinay cabashadeena madaxda sare ee loo dhiibay liiska si ay ugu dhawaaqaan iyo ciyaalka Dirhamka carbeed siyaasada ku sarifta , wakiilada dalalka deriska, milkiilayaasha Hoteelada , saaxiib, xidid, xigaalo iyo ururada wax ma trayaasha heer qaran iyo dhamman inta ay khuseeyso.
Haddii aanan codsiga beesha si deg deg ah wax looga qaban, madaxweynaha Kuuriya Jim wii Kii ayaa noo balan qaaday in uu nasiiyo gantaal uu ka cabsaday tijaabadiise, kaa ayaana ku tijaabi doonaa Villa Somalia. Horta kuwa CV-gan aqbalay yaa iyaga laftooda CV –gooda naga  hubiyay. D D D ma waxaa ay noqotay  Danta,Dadka ,Diaspora .

FG: Ha u qaadan mucaaradnimo iyo muxaafad nimo waxaan madaxda ka codsaneeynaa in ay naga hubiyaan CV-yada. Anigaaba ku wareeray markaan web site ka aqriyay CV-yada wasiirada cusub ay soo diyaarsadeen oo been u badan. walee farmaajo iyo khayre dhib waa heeystaa haddii CV- yada aan arkay la hor keenay, beesheeyduna ay ku doodee in CV-ga Adeerkeey ee kor ku qoran uu sax yahay. Aan sugno una duceeyno, kuwa la magacaabay iyo kuwii magacaabayba in Allah uu ku toosiyo waddada maslaxada umada, iyagaaba dhibane Mucaaradnimada ha laga khafiifiyo, doodana mid wax saxid ha laga dhigo,  khayrna Alla hana waafajiyo Aamiin , Aamiin,Aamiin.

Qore: Yahya Amir

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka Wareega Wararka ee Radio Dalsan

Next Post

Madaxda Dowladaha IGAD oo Ku Heshiiyay in Si Wadajir ah Xal Waara Loogu Helo Qaxootiga Soomaaliyeed

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Next Post

Madaxda Dowladaha IGAD oo Ku Heshiiyay in Si Wadajir ah Xal Waara Loogu Helo Qaxootiga Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

by Ilhaan
June 17, 2025
0

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
  • Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
  • Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00