Mas’uuliyiin wax laga weydiiyay Natiijadii muranka dhalisay ee Imtixaankii DF

Guddiga Golaha Shacabka ee xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaannkii shahaadiga ee Dugsiga Sare ee dalka 2019-2020 oo ay qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, waxaana intiisa badan looga hadlay kulankaas Arrimaha Imtixaannkii shahaadiga, waxaana ka qeyb galay inta badan Guddiga Golaha Shacabka ee xaqiiqa Raadinta Natiijadda.

Muran farabadan ayaa ka dhashay markii ay soo baxday Natiijadda Imtixaannkii shahaadiga ee Dugsiga Sare ee dalka, kadib markii ay ku dhaceen boqolaal Arday ah oo u badan kuwa Gobolka Banaadir, waxaana arrintaas waalidiinta Soomaaliyo iyo Mas’uuliyiin kale ya ka muujiyeen walaac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media