Maanta waxaa degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo duleedkeeda lagu arkay meyddka ilaa 4 ruux kuwaas oo la sheegay in ay dileen Ciidamada Maamulka degmadaas kuwaas oo ku eedeynayay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab blse dilkaas uu xiisad dhaliyay.
Wararkii ugu dambeeyey ee Caawa na soo gaaraya ayaa waxa uu sheegay in degmada Beled Xaawo  uu gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland  C/Rashiid  Xasan Cabdinuur “Jananâ€Â kadib markii ay soo baxeen dilka Raggaas.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Wasiirka uu Xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Mamulka degmada Beled Xaawo  inkastoo aysan jirin Warar xaqiijiyana xariga Masuuliyiintaas.
Masuuliyiinta falkaas dilka ah loo heesto ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha degmada iyo taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida degmada Ceelwaaq waxaana la sheegay in ay qaateen go’aan aan loo dhameyn oo dadkaas lagu dilay.
Xaalada degmada Beled Xaawo  ayaa Caawa kacsan waxaana halkaasi laga dareemayaa xiisada ka dhalatay dila 4 Ruux ee lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.