Qabanqaabadda Doorashadda xubnaha Maamulka HirShabelle ayaa waxay weli ka socotaa Caasimadda Maamulkaasi ee Jowhar, iyadoo la filayo inay Toddobaadka soo socdo la doorto 8-da Xubnood ee Maamulka HirShabelle ku yeelanayo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Musharixiin miisaan ku dhex leh Siyaasadda Somalia ayaana ka mid ah Xubnaha ku loolami doona Kuraasta HirShabelle ee uu ku leeyahay Aqalka Sare ee Barlamaanka.
Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaan hore Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar iyo Diplomaasi xil ka soo qabtay Safaaradda Somalia ee Nairobi oo aanan magaciisa weli naloo xaqiijinin ayaa la sheegay inay ka mid yihiin xubnaha rajada wanaagsan ka qaba inay ku soo baxaan Doorashadaasi.
Madaxweynihii hore ee Somalia, Cali Mahdi Maxamed oo horey loo shaaciyey inuu ka mid yahay Musharixiinta u taagan Xubnaha Hirshabeele ee Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda ayaa haatan la sheegay inuu la laabtay Musharaxnimadiisa.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble ayaa dadaal ugu jira sidii ay Doorashadaasi ugu dhici lahayd Xaq iyo Hufnaan, iyadoo ay Haweenka saami ku leeyihiin Koontada Xubnaha HirShabelle uga mid noqon doono Aqalka Sare.
©Radio Dalsan