Masar oo lagu soo rogay xaalad Deg-deg ah iyo Amar Culus oo la bixiyay

Madaxweyne C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil El-sisi ayaa waxa uu soo saaray Wareegto Jamhuuriya oo tirsigeedu yahay 174 ee sanadka 2021, taasi oo lagu caddeeyey in dalka Masar lagu soo rogay Xukun Xaallad Deg-deg ah (State of Emergency) oo muddo 3 bilood ah.

Wareegtada waxaa lagu xusay in sababo la xiriira Xaalladaha Ammaanka iyo Caafimaadka loo soo rogay Amarkaasi oo dhaqan galay 1-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay (Axad, April 25, 2021).

Go’aanka Xaalladda Deg-dega ee lagu soo rogay dalkaasi ayaa waxaa maanta lagu soo daabacay Faafinta Rasmiga ee dalkaasi (the Official Gazette).

Go’aankaasi ayaa la qaatay, kadib, markii la darsay Xaalladaha Ammaanka iyo Caafimaadka ee uu dalka Masar marayo.

Dhinaca kale, Go’aanku waxa uu awood u siinayaa Milliteriga iyo Boliska Masar inay qaadaan Tallaabooyinka muhiimka ee dalka looga badbaadinayo waxa loogu yeeray Argagixisada iyo Maalgelintooda, Sugidda Ammaanka Guud ahaan dalka Masar, Badbaadinta Hantida Dowladda iyo kuwa Dadweynaha, dhowrista Nolosha Muwaadiniinta dalkaasi oo tiradoodu gaarayso  in ka badan 100 million oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor