Masar oo lagu daldalay Dagaalyahan ka tirsanaa Daacish.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in maanta la daldalay Caadil Habara oo 40-jir ahaa, kaasi oo ay Maxkamadda Sare ee dalkaasi dhawaan diiday Rafcaan uu ka qaatay xukun horey loogu riday sannadkii 2014-kii.

Wakaalladda Wararka MENA ayaa sheegtay in Ninkaasi lagu helay inuu 25 Askari ku dilay Waqooyiga Siinaay bishii August ee sannaddkii 2013-kii.

Madaxweyne C/fataax Alsiisii ayaa la sheegay inuu saxiixay Amarka lagu daldalay Ninkaasi, iyadoo ay Saraakiisha Garsoorka goobjoog ka ahaayeen Fulinta Xukunkaasi.

Dhinaca kale, Barta ay Taageerayaasha Kooxda Daacish ku leeyihiin Warbaahinta Bulshadda ee TELEGARAM ayey ku sheegeen inay Folkaano Jihaad ah kicin doonaan haddii la dilo Caadil Habara.

Daldalaadaasi ayaa timid dhowr maalmood kadib, markii ay Kooxda Daacish fal Isqarxin ah ka geysteen Kaniisad ku taalla Qaahira, laguna dilay 25 qof.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor