Telefishinka Dowladda Masar ayaa maanta shaaciyey in lagu soo wareejiyo Afduubahaasi oo ku eedeysan inuu afduubat Diyaarad Rakaab iyo inuu Diyaaradda u weeciyey inay ku degato Jesiiradda Qubrus.
Afduubaha oo lagu magacaabo Sayful-diin Mustafa oo 59-jir ah ayaa shalay isku dhiibay Ciiddanka Ammaanka ee Qubrus, isagoo aan waxyeelin 72-kii Rakaab iyo shaqaalihii Diyaaradaasi.
Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladad Larnaka ee Qubrus waxay maanta amartay in Afduubaha xabsiga lagu sii hayo muddo 8 maalmood, iyadoo lagu soo oogay Afduub iyo inuu sunka Isqarxinta oo macmal ah u adeegsaday inuu Duuliyaha ku khasbo inuu Jihadda Diyaaradda beddelo.
Afduubaha waxa uu maanta Maxkamadda ka hor sheegay inuu falkaasi u geystay, isagoo sheegay inuusan muddo 24-sanno arkin Xaaskiisii hore iyo ciyaalkiisa oo deggan Jesiiradda Qubrus.
©Radio Dalsan