Marxuum Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed†ayaa la filayaa in berrito lagu aaso magaalladda Hargeysa, Sida laga soo xigtay Ehelkiisa.
Marxuum Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed†ayaa la filayaa in berrito lagu aaso magaalladda Hargeysa, Sida laga soo xigtay Ehelladiisa.
Marxuumka oo ka mid ah Abwaaniinta hormuudka u ah Fanka Somalia ayaa dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.
Dhinaca kale,  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir ku-xigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye†, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane, Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada ,asxaabta iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Abwaan Cali Sugulle oo January 11 , 2016 ku geeriyooday Imaaradda Shaariqa ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta .
Marxuum Cali Sugulle , wuxuu qeyb lixaad leh ku leeyahay taariikhda gobonima-doonka,isagoo ahaa dhiirigeliye ku guubaabiya dadka Soomaaliyeed qaranimo iyo daljaceyl.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo Iimaan ka siiyo – Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations