Markabka Mareykanka ee USS Hershel Williams oo soo gaaray xeebta Somalia

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray Marabka dagaalka Mareykanka ee diyaaradaha xambaara USS Hershel Woody, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM.

Markabkan ayaa u yimid xeebaha dalka sidii uu uga qeyb qaadan lahaa howlgalka gudaha Soomaaliya looga daad-gureynayo Ciidanka Mareykanka, isla markaana waxaa saaran Ciidamo badan oo ah kuwa Badda.

Sidoo kale Markabka ayaa waxaa saaran diyaarado nooca qumaatiga u kaca ee helikobtar-ka iyo diyaaradaha xamuulka qaada, iyagoona ka qeyb qaadan howlgalka dalka uga baxayaan Ciidanka Mareykanka, kana ilaalinaya wax kasta oo khatar ah.

“Imaanshaha Markabka iyo awooddiisa dagaal waxay caddeyn u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan tageerno saxiibadeen, isla markaana aan difaacno ciidamadeena xilligan kala guurka ah.” ayuu yiri Gen. Dagvin Anderson oo ah Madaxa Ciidamada Cirka Mareyanka ee Afrika.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Mareykanka ay saacadihii lasoo dhaafay bilaabeen inay isaga baxaan Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka, iyadoo sidoo kalena la arkayo diyaarado joos hoose ku socda.

Madaxweynaha laga guuleystay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan amar ku bixiyay in gudaha Soomaaliya laga saaro Ciidamada Mareykanka ka jooga, kuwaasi oo gaarayo 700 askari, iyagoona ka qeyb qaatay howlgalo ka dhacay dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media