Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Duleedka Magaalada Kismaayo

Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegtay inay duqeyn cusub ku dileen 8 ka tirsan Alshabaab, kadib, markii ay duqeyn dhanka cirka ka fuliyeen meel u dhow Deegaanka Kobon oo aan ka fogeyn magaalladda Kismaayo, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hdaal-qoraal oo ay AFRICOM soo saartay ayey ku sheegeen inay Jimcihii duqeeyen Deegaankaasi oo ay sheegeen in ay Alshabaab u adeegsan jireen inay ka so oqaadaan weeraradda ka dhanka ah Ciiddanka Soomaalida, waa sida ay AFRICOM sheegatay.

Waxay kaloo sheegeen inaysan dad rayid ah waxyeello ka soo gaarin duqeyntaasi

Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa la sheegay inay kordhiyeen duqeymaha ay ka geystaan gudaha somalia, tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump xilka qabtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media