Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.
Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in uu ka furmyo Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan lagu lafo-gurayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.
Sidoo kale waxaa kamid ah Madaxda Shirkasi ka qeyb galeysa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray dalka Itoobiya.