Mareykanka oo taageerey go’aanka guddiga doorashada heer federaal

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war ay soo saartey waxey ku taageertey go’aanka guddiga doorashada heer federaalka ee Soomaaliya.

Warka Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyey xubnaha xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bisha April.

Guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya, ayaa xaley soo saarey bayaan qeexaya jadwalka dhameystirka doorashada Soomaaliya.

Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor