Ciidamada Milatariga ee Marayanka ayaa sheegay inay duqayn hor leh ka gaysteen deegaanka Kuunyo Baroow ee Gobolka Shabeellada Hoose maalintii Sabtidii.
Duqaynta ayaa taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ay sheegeen in lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabab, waxaana AFRICOM sheegtay oo kale inaan cid rayid ah wax ku noqon weerarkaasi.
Weerarkan ayaa noqonaya kii 25-aad ee sannadkan ay gaysteen Maraykanka, kuwaasi oo dhammaantood lala beegsaday Al-Shabab.
Mareykanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay weerarada dhinaca cirka ah oo uu la beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab,waxaana mararka qaar waxyeelo ka soo gaartaa dad rayid ah.