Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo maalintii shalay aheyd uu ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel ku dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale AFRICOM ayaa intaas kusii dartay in duqeynta lagu dilay xubin kamid ah Al-shabaab xili uu ku sugnaa halka duqeynta ay ka dhacday, waxaana Qoraalka Mareykanka lagu sheegay in duqeyntaas ay la kaashadeen Ciidanka dowladda.
Waxaa kaloo Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu sheegay in duqeyntaas la fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.
Mareykanka ayaa tan iyo markii uu bilowday sanadkan ee 2020 duqeymo dhowr ah ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo qaarkood uu Khasaaro kasoo gaaray xubno ka tirsan Al-shabaab.