Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday Dowladda Kenya iyo Howlgalka AMISOM lacag gaareysa 9.5 bilyan oo ah lacagta Shillinka Kenya.
Lacagtasi 5.9 Bilyan oo kamid ah waxa ay si toos ah u aadi doontaa Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya.
Waxa loo adeegsan doonaa Arrimaha Sirdoonka,ka hortagga Qaraxyada iyo arrimo kale.
Dowlada Kenya waxa ay lacagtasi u adeegsan doontaa Iibsashada Diyaaradaha Droneska,Qalabka Militariga iyo iney uga hortagto Weerarada Al Shabab.