Mareykanka oo Kenya ku cadaadinaya balaarinta Xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya

Dowlada Mareykanka ayaa ku riixeysa maamulka dalka Kenya in ay balaariyaan xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, halkaasoo ay ku jiraan Qaxooti badan oo soomali ah, sida lagu sheegay qoraal Email oo ay baahisay wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka State Department.

Emailka ayaa la daabacay maalintii Arbaca, waxaa lagu sheegay in dowlada Kenya ay furto Ifo 2 xero la yiraahdo sida Qaxootiga xad dhaafka ah ay hooy ugu noqoto.

Xerada Dhabab ayaa iminka marti galineysa ku dhowaa Nus Million waxaana ay kor u dhaafayaan 90,000 oo qaxooti ah.

Sanadkii 2011 dowlada Kenya ayaa aragtay tiradii ugu badneed ee soomaali qaxooti ah oo kazoo baxay abaarihii soomaaliya.

Dowlada kenyaa si adag uga soo horjeesatay balaarinta xerada Qaxootiga iyadoona sheegtay in ay taasi amni sari ay ku tahay amaanka dalka Kenya iyadoona xirta xadka ay la wadaagto soomaaliya.

Caawiyaha xoghayaha Mareykanka Reuben Brigety, ayaa sheegay in uu la kulmay xiligaasi reysal’wasaarihii dalka Kenya Raila Odinga iyo wasiirkii arimaha gudaha dalka George Saitoti, kadib markii ay dowlada Kenya ay diiday qorshaha lagu furaayo xero cusub maadaama ay xiligaasi badnaayeen Qaxootiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor