Taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn ka gaysteen waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow degaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii.
War saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa sida ay sheegeen saraakiisha Africom.
Maraykanku ma sheeegin dad ku dhintay weerarkaasi hase yeeshee waxay sheegeen inay iskaashi la sameeyeen dawladda Soomaaliya si duqayntaasi loo gaysto.
Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay maleeeshiyaadka ururka Al-Shabaab.