• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Mareykanka oo Danjire Cusub u soo magacaabay Soomaliya

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 12, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 6 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Danjire Donald Yamamato oo khibrad aad u badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda.

Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya ugu magacaabay wuxuu aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meel mariyey cod buuxa.yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, ayaa wuxuu noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya burburtay mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho.

Waa kuma Donald Yamamato?

Danjire Donald Yamamato oo 65 jir ah wuxuu ku dhashay gobolka Seatle ee dalka Mareykanka sanadka marka uu ahaa 1953-kii, wuxuuna ka soo qalinjabiyey jaamacadda Columbia.

Yamamato wuxuu marki ugu horreysay wasaaradda arrimaha dibadda uu ka howl galay 1980-kii, wuxuu shaqooyinkiisa arrimaha dibadda uu ka bilaabay qaaradda Afrika, kaddibna wuxuu howla dibloomaasiyadeed uu ka soo qabtay waddamada bariga dhexe iyo qaaradda Aasiya.

Shahaadadiisa labaad wuxuu ka qaatay Kulliyadda (National War College) sanadka marka uu ahaa 1996-kii, wuxuuna la taliya sare uu u soo noqday Agaasimaha guud ee arrimaha dibadda Mareykanka inta u dhaxeysay 2015-2016-ka.

2015-2016-kana wuxuu xilal kala duduwan uu ka soo qabtay dalka Afqaanistaan, 2016-kina waxaa loo magacaabay madaxa howlgalka arrimaha Soomaaliya ee xafiiska Muqdisho
Isaga oo noqday wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabislan arrimaha Afrika, wuxuu danjire uu ka soo noqday dalalka Eretrea (1997-1998), Djibouti (2000-2003) iyo Ethiopia (20016-2009).

Yamamato oo ku hadlo afafka Shiinaha, Carabiga, Ingiriisiga, Japan iyo Faransiiska wuxuu siyaasadda arrimaha dibadda Maraeykanka uu ku soo jiray muddo 40 sana ah.

Dadka garanaya ee la soo shaqeeyeyna waxay sheegaan inuu yahay nin qunyar socod ah, musuqmaasuqa aad u neceb, Xuquuqda aadanaha in lagu xad gudbana aan jecleen, Saxaafadda in la caburiyana aad u neceb.

Maxaa tahay sababata Yamamato loogu magacaabay Danjiraha Soomaaliya?
Danjire Donald Yamamato oo loo magacaabay Danjirha Somaaliya magacaabiddiisa waxaa loo sababeeyey arrimaha dhawr ah:

Loollanka siyaasadeed ee Soomaaliya oo u dhaxeeya waddama badan oo daneeynayo arrimaha Soomaaliya inuu Mareykankana uu qayb ka noqdo La dagaallanka argagixisada inuu dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaba uu Mareykanka ka caawiyo sidaana dibloomaasi waaya arag looga baahday Inuu dib u soo cusbooneeysiiyo xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo 90-yadii hakadka galay Inuu qayb ka noqdo la dagaallanka ururrada argagixisada sida alshabaab iyo alqaacida ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqo Inuu dowladda Soomaaliya uu ka caawiyo dhinaca tababarrada ciidamada Inuu saameeynta uu Mareykanku ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya iyo geeska Afrikaba uu sii xoojiyo maadaamaa aqoon badan uu u leeyahay muddo badanna uu ka soo shaqeeyey.

Mareykanku danta uu Soomaaliya ka leeyahay maxay tahay?

Mareykanka Tani iyo marka uu sameeyey xafiiskiisa US Mission ee howlgalka Soomaaliya wuxuu dardar xoog leh uu ku hayey arrimaha Soomaaliya waxaana ka mid ah arrimaha muujinaya sida uu Mareykanku uu u daneeynayo:

Inuu xafiis u gaar ah uu Soomaaliya uu ka furay 2016-kii (Us Mission)

Saldhigga diyaaradda Drone-ka ee aan duuliyaha lahayn oo horay Itoobiya uga soo kici jiray inuu Balad-doogle Somaaliya uu ku soo wareejiyey Iney balad-doogle ka joogaan boqollaal ciidamada Mareykanka ka tisran oo caawiyo ciidamada Soomaaliya Inuu qorsheynayo inuu saldhigyo ciidan oo cusub uu ka furto Kismayo iyo Galakcayo sanadka 2019-ka Inuu ciidamada Soomaaliya ka caawiyo la dagaallanka ururrada Al-shabaa iyo Al-qaacida Inuu gacan ka geysto sidi ay u dhismi lahayd dowlad Soomaaliya oo awood badan oo isku filnaato la dagaallanka argagixisada geeska Afrikana aan cid kale garab uga baahanin.
Yamamato muxuu Soomaaliya ku soo kordhin doonaa?

Yamamato oo la filayo inuu qaddiyadda Soomaaliya oo wax weyn uu ku soo kordhiyo ayaa wuxuu arrintan marka la magacaabay uu kala hadlay warbaahinta Mareykanka isaga oo qodobbeeyey.

Wuxuu sheegay “inaan arrinta Soomaaliya dagaal lagu xallin kareyn oo nidaam dib u heshiisiiin loo maro, in dastuurka Soomaaliya la saxo, in ciidamo Soomaaliya leedahay la dhiso, in dhaqaalha Soomaaliya dib loo soo dhiso, in isbeddello lagu sameyo xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal u noqon karaan dhibaatooyinka Soomaaliya.”

Wuxuuna yamamato uu aaminsan yahay haddii la helo madax nadiif ah, daacad ah, ka go’naashaha leh, ballamaha ay galaan ka soo baxa, in taageerada Mareykanka uu siinayo Soomaaliya lagu guuleysan karo.
Danjiraha cusub uu Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya Donald Yamamato wuxuu haystaa abaalmarinno dhawr ah sida:

Abaalmarinta adeeg bixinta gaarka ee Mareykanka

Abaalmarinta madaxweynaha uu bixiyo oo la siiyo qofka shaqa wanaag la yimaaddo
Abaalmarinta shaqsiyaadka muhiimka ee arrimaha dibadda ka howl gala la siiyo
Abaal marinta Robert Farauser ee lagu bixiyo xallinta khilaafaadka iyo
Tobannaan abaalmarin oo uu ku muteystay muddada 40-ka sana oo uu ka soo shaqeeynayay arrimaha dibadda Mareykanka.

Xaquuqda Warkan BBC SOMALI

Previous Post

Dhageyso:-Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb oo mooshin ka keenay Madaxweyne Xaaf

Next Post

Soomaaliya oo ku guuleysatay doorashada Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Next Post

Soomaaliya oo ku guuleysatay doorashada Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00