Dhageyso:-Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb oo mooshin ka keenay Madaxweyne Xaaf

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay shaaciyeen inay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanadaas oo qaarkood la soo xiriiray Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in guddoonka ay u gudbin doonaan mooshinkaas,isla markaana uu socdo qorshihii ugu dambeeyay.

Xildhibaan Muxudiin Cali Jimcaale(Jakuula) oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa Dalsan u sheegay in xildhibaanada mooshinka wada ay gaarayana ilaa 50 Mudane,isla markaana isaga uu ka mid yahay Xildhibaanada saxiixay.

Arrintaan ayaa soo ifbaxday wixii ka dambeeyay kadib markii xalay uu dib u dhac ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu waday in Madaxweyne Xaaf uu Magacaabo.

Madaxda Maamulka Galmudug ugu sareysa ayaa ah kuwa iskhilaafsan,waxaana xildhibaano ku shiray Magalada Cadaado oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Jakuula.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor