Maraykanka oo sheegay inay sii wadayaan Taageeradda Somalia ilaa laga gaarayo Hadafka Guud

Ergayga Gaarka ee Dowladda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James P. McAnulty ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Somalia munaasabadda Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo.

“Anigoo ku hadlayo magaca Madaxweyne Barack Obama, magaca Xoghayaha Arrimaha dibedda, John Kerry iyo magaca dadka Maraykanka iyo Kaygaba, waxaana Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaan Munaasabadda 1-da Luulyo” ayuu yiri Ergayga.

Waxa uu ku bogaadiyey Dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed sida ay ugu hawlan yihiin Dib-u-dhiska, Deganaanshaha iyo Dhismaha Dowlad Federal oo Dimuqraadi ah.

Ergayga Gaarka ee Dowladda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James P. McAnulty waxa uu tilmamay inay Dowladda garab taagan tahay Somalia, isla markaana ay sii wadayaan Taageeradda ay Somalia siiyaan ilaa laga gaarayo hadafka  lagu sugo ammaanka Ummadda Somaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Maraykanka taageero ka geysanayaan xaqiijnta qaabka Dowladda lagu gaarsiinayo guud ahaan dalka Somalia,  iyo muhiimad la siiyo sidii loo horumarin lahaa Dhaqaaalaha Somalia.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James P. McAnulty waxa uu  tilmaamay inay Dowladda Maraykanka mar kale ballan qaadayso inay si dhow ula shaqeyn doonaan Saaxiibadooda kale taageeridda horumarka  Somalia iyo guud ahaan Gobalka oo dhan.

Xigasho: US embassy in Nairobi

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor