Garsoore Heer Federal ayaa shalay xukun ku riday 2 Haween Somali ah oo lagu kala magacaabo Muna Osman Jamac iyo Hinda Osman Dhirane, kuwaasi oo muddo dheer degganaa dalka Maraykanka.
Muna Osman Jamac oo 36 jir ah deggan magaalladda Reston ee Gobalka Virginia waxaa lagu xukumay Xabsi 12-sanno ah, halka Hinda Osman Dhirane oo 46-jir ah lagu xukumay 11-sanno.
Labada Haween ayaa lagu soo eedeeyey inay taageero dhaqaale u direen Alshabaab, waa sida ay Dacwad-oogayaasha ka hor sheegeen Maxkamadda.
Sida laga soo xigtay Waaxda Caddaaladda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Lacagta la diray laga soo ururiyey 15-haween ku kala nool dalalka Reer Galveedka.
Qareenadda u doodayey Haweenkaasi ayaa u sheegay Wargeyska The Seattle Post Intelligencer  inaysan badnayn Lacagaha la sheegay inay Haweenkaasi u direen Somalia.
Qareenadda waxay xuseen inay Muna Osman Jamac dirtay 4,000 oo Dollar, halka Hinda Osman Dhirane dirtay lacag dhan 1,700-Dollar, waa sida uu qoray Wargeyskaasi.
 ©Radio Dalsan
Â