Maraykanka oo ku baaqay in loo midoobo Dagaalka Alshabaab

Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa maanta hadalkaasi ka sheegay magaalladda Nairobi, mar uu booqasho ku tegay Taalladda loo dhisay dadkii ku geeriyooday weerarkii Safaaradda Maraykanka lagu qaaday sanandkii 1998-dii.

John Kerry oo lagu tilmaamo Gacanta Midig ee Madaxweyne Barack Obama ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.

“Halka meel ee u bannaan Alshabaab, Alqwaacida iyo Boko Haram waa wixii la soo dhaafay” ayu uyiri John Kerry oo intaasi raaciyey inaysan wax mustaqbal ah lahayn kooxahaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

John Kerry waxa kaloo uu ka hadlay weeraraddii ay Xarakadda Alshabaab bishii hore ka geysteen Jaamacadda Garissa, wuxuuna xusay inaan erayo lagu soo koobi karin tiiraanyadda ay la wadaagayaan dadka Kenyaatiga.

Dhinaca kale, John Kerry ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo Madaxweynaha dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale, oo ay ka wada  hadli doonaan Arrimaha Ammaanka, Ganacsiga, Xaalladda Qaxootiga Soomaalidaa iyo La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Waxa kaloo uu u gogol-xaarayaa booqashadda uu Madaxweyne  Barack Obama uu bartamaha bisha July ku imaan doono magaalladda Nairobi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor