Maraykanka oo kordhinayo dhaqaalaha Kenya kula dagaalamayaan Alshabaab

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa soo cusbooneysiiyey Iskaashiga Maraykanka iyo Kenya ee ku aadan La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab.

Obama oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Nairobi ayaa sheegaay inay kordhinayaan dhaqaalaaha, xog-wadaagista iyo xoojinta Hay’addaha Ammaanka ee Kenya si ay ugha hortagaan Alshabaab, oo ku tilmaamay mid weli khatar ku ah dalalka Gobalka iyo Caalamka.

Madaxweynaha Maraykanka waxa kaloo uu tilmaamay inay kordhinayaan Taageeradda Dhaqaale ee ay siiyaan Dowladda Kenyaa si ay Dagaalamayaasha Alshabaab uga saaraan Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay xadideen Deegaannadda ay Alshabaab kaa maamulaan gudaha dalka Somalia iyo awoodii Shabakadahooda ku leeyihiin dalalka Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu u guuxay hadalka Madaxweyne Obama, wuxuuse ku baaqay Iskaashi dhamaystiran in Dowladiisa lagala yeesho Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Alshabaab.

Waxa uu tilmaamay inuusan Dagaalka Alshabaab ahayn mid Kenya u gaar ah, wuxuuna ku tilmaamay dagaalkaasi mid lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda Dowladda Federalka Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor