Saraakiisha ayaa sheegay inay Taageero dheeraad ah siinayaan Isbahaysiga Gacanka Carabta ee dagaalka kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.
Taageeradda cusub ee Maraykanka waxa ku jirto Tageero dhinaca Sirdoonka, iyadoo ay Iiraan hub casri ah iyo Gantaalop Balaastik ah u soo diraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta.
Dhinaca kale, ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyootay Is-qarxin iyo Is-rasaasayn ka dhacday Dhismaha Dowladda ee Degmaddea Al-xuuta ee caasimadda Gobalka Lahaj ee Koonfurta Yemen.
Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in ay toogteen Dareewal waday gaari bas oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, ka hor inta uusan gudaha u soo gelin Dhismaha Dowladda.
©Radio Dalsan