Maraykanka oo cambaareeyey Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ee Leego

Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka ayaa si xooggan u cambaaraysay  weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka sii wadayso in ay Isbahaysigooda la wadaagaan cabsida Alshabaab iyo  Colaadaha Xag-jirnimadda, si loo burburiyo awoodda ay ku weeraraan dadka aan waxba galabsanin.

Weerarkii shalay ee lala beegsaday Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay in lagu dilay 50 ka tirsan Nabad-ilaaliyaasha AMISOM iyo tiro ka mid ah Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, tan iyo markii la guda-galay bishan Barakaysan ee Ramadaan, waxay Dagaalamayaasha kordhiyeen weeraradda ay ku qaadaan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

© Warqabadka Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor