Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa soo saartay War-qoraal oo ay si xooggan ugu cambaareeyeen dilkii loo geystay Weriye C/casiis Maxamed Cali “Xaaji” oo bishan September 27-dii lagu dilay Xaafadda Towfiiq ee Degmadda Yaaqshiid ee magaalladda Muqdisho.
Marykanka waxay Qoyska Weriyahaasi iyo Suxufiyiinta Soomaalida uga tacsideeyeen geerida Weriyahaasi oo ka mid ahaa Weriyayaasha ka hawl-gala magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Maraykanka waxay ugu baaqeen Dowladda Federalka inay baaritaan hufan oo degdeg ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyey dilka Weriyahaasi, lan joojiyo Dhaqanka lagu dilayo Suxufiyiinta iyo dadka kale ee muhiimka.
Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa lagu bogaadiyey Geesinimadda suxufuiyiinta Soomaalida, kuwaasi oo maalin kasta halgan ugu jira sidii ay u difaaci lahaayeen Xorriyatul-qoolka
©Radio Dalsan