Maraakiib Shisheeye oo Kalluumeysi sharci darro ah ka wada Badda Soomaaliya

Qaar ka mid ah kalluumeysatada Soomaaliyeed ee ka jilaabta xeebaha Bariga Mudug ayaa cabasho ka muujiyay koorka maraakiib shisheeye oo si sharci dara ah uga kalluumeysta biyaha badda ee dalka.

Aamiin saciid Aadan oo ka mid ah kallumeystada ku dhaqan  xeebaha dagmada hobyo ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in maalmihii u danbeeyay ay soo baxeen qeylo dhaan ku aadan maraakiib shisheeye oo sida sharci darada ah uga kaluumeysanaya xeebaha bariga Gobalka Mudug.

Kalluumeysatada gobolka Mudug ayaa sheegay in kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira badda Soomaaliya ay ay saameeyn ku yeesheen nolasha kumanaan qoys oo ku tiirsanaa wax soo saarka badda.

Qaar ka mid ah kalluumeysatada Soomaalida ayaa fikrad ahaan qaba in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban kalluumeysiga sharci darada ah ee maraakibta shisheeye ay dhallin karaan, shaqo la’aan ku timaada kalluumeysatada.

Sidoo kale kalluumeysatada Soomaalida ayaa tilmaamay inay ka cabsi qabaan hoos u dhac dhinaca la xiriira kheyraadka badda iyo bulshada kalluumeysatada ah ka barakacda deegaanada xeebaha ah ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor