Maxay salka ku haysaa xiisadda u dhexeeysa Dowladdaha France iyo Britain?

Dacwad oogayaasha France ayaa Jimcaha maanta ah amar ku bixiyay in maxkamad la soo taago kabtanka markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Britain kaasi loo haysto in uu soo galay biyaha Faransiiska ruqsad la’aan, waxayna taasi sare u sii qaadaysa muranka xuquuqda kalluumaysiga oo keeni kara loollan ama dagaal dhanka ganacsiga ah.

Maamulka badaha ayaa markabkan gacanta ku dhigay Arbacadii, iyagoo sheegay in aaladda lagula socdo maraakiibta ay ku ogaadeen in uu ka aruriyay in ka badan laba tan oo kalluun ah biyaha Faransiiska iyada oo aanu haysan shati ama ruqsad.

Waxa uu wajahayaa eedeymo ah “ ka kalluumeysiga aan fasaxa loo haysan ee biyaha Faransiiska ee doon ka timid meel ka baxsan Midowga Yurub,” ayuu hadalkiisa raaciyay, waxaana qabanaya ganaax ugu badnaan 75,000 euros ($ 87,000) iyo sidoo kale “ciqaabo maamul.”

Milkiilaha doonta ayaa Jimcaha maanta ah ku celiyay in uu aaminsan yahay in doontu ay haysatay ruqsad sax ah oo ay kaga kalluumeysan karo biyaha Faransiiska.

Britain ayaa Jimcaha maanta ah u yeertay safiirka Faransiiska u fadhiya London si ay ugu sharraxdo “halisaha,” iyadoo tani ay timid saacado ka dib markii ra’iisul wasaaraha France Jean Castex uu soo jeediyay in la furo wadahadal si loo qaboojiyo xiisadda.

Xoghayaha deegaanka Britain George Eustice ayaa maanta ku eedeeyay Faransiisku in uu adeegsaday “hadal qallafsan,” isaga oo aan meesha ka saarin in ay ka aargudan doonaan oo ay iyana mamnuuci doonaan in maraakiibta Faransiiska ay kalluunka ay soo qabtaan ku soo dejiyaan dekedahooda.

Britain iyo France ayaa bilihii u danbeeyay isku khilaafsanaa sharciyada cusub ee ruqsadaha ee doomaha Midowga Yurub ee doonaya in ay ka howlgalaan biyaha ku wareegsan Britain gaar ahaan the Channel Islands.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor