Dowladda Koonfurta Kuurya waxay qorsheynaysaa inay ku biiraan Ciiddanka Badda ee Maraykanka ka jooga Mandiqadda Bariga Dhexe, kuwaasi oo taageero siinaya Maraakiibta Shidaalka ee marinkoodu yahay Gacan-biyoodka Hormuuz ee Xeebaha Iiraan.
Wargeys ka soo baxa dalka Koonfurta Kuurya oo lagu magacaabo The Maekyung business newspaper waxa uu maanta qoray in Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda dalkaasi oo aan magacisia la shaacinin u sheegay inay go’aansadeen in Maraakiibtooda Dagaalka ee ka hawlgala meelaha ka baxsan Badda Somalia loo diri doono Gacanka Hormuz.
Sarkaalkaasi waxa uu sheegay in laga yaabo in Markabka Dagaalka ee The Cheonghae unit ee haatan ku sugan Xeebaha Somalia loo jiheyn doono Gacanka Carabta, si ay ugu biiraan Ciiddanka Badda ee Maraykanka ee ku sugan Gacanka Hormuz.
Markabkaasi waxaa kaloo wehlin doona dhowr Doonyaha dheereeya iyo Diyaaradaha Helikopters-ka iyo kuwa Sirdoonka.
Ku-xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Koonfurta Kuurya, Ro Jae Cheon oo wax laga weydiiyey Qorshahaasi waxa uu sheegay inay iska cadahay inay badbaadin doonaan Maraakiibtooda ka gudbaya Gacanka Hormuz.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka fekerayaan dhowr xulasho ee suurto-galnimadda go’aanka ay Maraakiibta Dagaalka ugu diri doonaa Gacanka Hormuz.
Markabka wax burburiya ee The Cheonghae ee qeybta ka ah Unugga Maraakiibta Dagaalka ee Koonfurta Kuurya waxay horey Mariniska Maraykanka iyo kuwa Midowga Europe kala geyb galeen hawlgalo badan markii uu bilowday Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.
Markabkaasi oo ay la socdaan 302 Badmaax oo ka tirsan Ciiddanka Badda ee dalkaasi waxa fariisin u ahayd Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Somalia iyo Yemen tan iyo sannadkii 2009-kii, iyadoo Go’aanka Markabkaasi loogu wareejinayo Hawlgalka Gacanka Hormuz loo arki karo mid muujinaysa sida ay Koonfurta Kuurya ugu qanacsan tahay arrintaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Gacanka Hormuz waxaa ka taagan Xiisado u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka iyo khatar kale oo soo food saartay Maraakiibta shidaalka ee ka gudba Marinka Gacanka Hormuz ee kaabiga ku haya xeebaha dalka Iiraan, waxaana xilli kasta laga filan karaa inuu dagaal ka qarxo.