Maanta ayaa waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmay shir u dhaxeeyay Wakiilo ka kala socda Dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF.
Shirkaas ayaa waxaa martigelineysa dowladda Kenya,iyada oo lagu dhex dhexaadinayo dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF oo mudo wada dagaalamaya.
Afhayeenka Ururka NLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge ( Cadaani) oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in wadahadaladaan ay yihiin kuwo kal hore soo bilaawday isla markaana ay horay ugu wada kulmeen balse ay u hakadeen doorashooyinkii dalka Kenya ka dhacay maadaama ay dhex dhexaadineysay.
Waxa uu sheegay in Wadahadaladaan ay soo bilaawdeen Sanadkii 2012,kii isla markaana ay dhaceyn ilaa lix kulan ayna dhex dhexaad ka ahaayeen qaar ka mid ah Wadamada Caalamka laakin kulanka hadda ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya.
Wareysiga uu siiyay Radio Dalsan Caawa Afhayeenka Ururka NLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge ( Cadaani) ayaa waxa uu ku sheegay in Go’aanka Shacabka ay difaacayaan oo ah ka talinta aayahooda.
Hoos Ka Dhageyso Wreysiga Afhayeenka oo dhinacyo badan uu uga hadlay.