Galinkii dambe ee Talaadadii Maanta ayaa lasoo gunaanaday Shirkii Amniga Qaran ee labo cisho ka Socady Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Shirkan ayaa diirada lagu saaray Arimaha Amniga Siyaasada Bini’aadanimada Cadaalada iyo Qorshaha Doorashada 2020-ka.
Ergo kala matalayay Dowlada kala duwan iyo Wakiilada QM,Midowga Yurub,Midowga Africa,Mareynka,Turkiga iyo Jaakamacada Carabta ayaa ka qeyb galay Shirkaasi.
Dowlada Federalka ayaa labadii Cisho ee uu shirka Socday waxa ay madasha kusoo bandhigtay Warbixin la xiriirta Hormarka laga sameeyay Dhinacyada Amniga iyo Siyaasada.
Warmurtiyeed ka kooban 48-qodob ayaa kasoo baxay shirkaasi waxaana khudbadii ugu dambeesay ee Xeritaanka Shirka madasha ka jeediyay Raisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, waxaa uu bogaadiyay doorka ay beesha caalamka qaadatay, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay fulaan qodobada laiska gartay.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Eng Craxmaan Cumer Cismaan Yariisoow ayaa suxufiyiinta u faah faahiyay arimaha ay sida gaarka looga hadlay Shirka.
Halkan ka dhageyso Cod Wasiir Yariisoow: