Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay Go’aano ku saabsan amniga

Magalada Muqdisho waxaa kulan saacado qaatay uu ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Wasiirka Amniga Duqa Muqdisho iyo dhammaan taliyayasha Ciidamada Nabadsugida,Booliska,Xoogga dalka iyo Asluubta.

Kulankaas oo ahaa mid deg deg ah ayaa intiisa badan looga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Caasimadda oo Maalmihii lasoo dhaafay aya ka dhacayeen dilal qorsheysan oo inta badan loo geysanayay ciidamo ka tirsan dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ka hadlayay go’aanada shirkaas kasoo baxay ayaa markale waxa uu kuceliyey ammarkii hore ee ahaa in Mgalada Muqdisho aan lagu dhex wadan Karin hubka waaweyn,ammarkas oo inta badan ku socday masuuliyinta dowladda.

Bishii May Sanadkii tegay ee 2017 ayaa ammarkaan waxaa horay looga soo saaray shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya,waxaana Wasiir Islow uu markale sheegay in Magalada Muqdisho aan lagu arki Karin dad wata hub farabadan oo uu ku jiro Gaadiidka qoraha eek u rakkiban yihiin ee Cabdi bilaah loo yaqaano.

Waxa uu sheegay in qof walba oo masuul ah lag doonayo in uu istaaf ahaan u wato ilaa 4 Askari oo qoryaha fudfudud ah sida AK47,isla markaana aan loo ogolaan doonin in ay ka badsadaan,sidoo kale qoraga loo yaqaano Dabajeexa aysan qaadan akrin.

Sidoo kale Ciidamada xasilinta Caasimadda ee ka qeyb qaadanaya sugida amniga in ay siwanasgan ula dhaqmaan Shacabka inta ay howlgallada wadaan,waxauuna shacabka ugu baaqay in ay Ciidamada dhankooda kala Shaqeeyaan sugida amniga,

Hoos Ka Dhageyso shirka jaraa’id ee Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.