Dhageyso:-Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo qaadacay Go’aan ka soo baxay Maxkamada Racfaanka G/Banaadir+Sawirro

Kadib markii Maanta Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ay shaacisay in ay Ganaaxday Sideed qareen oo ay ku eedeysay in ay diideen in ay difaacaan Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo laga sugayay Maanta Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Tallaabadaan ay qaaday Maxkamada Racfaanka ayaa durbadiiba ka hadlay Ururka Qareenada Soomaaliyeed kuwaas oo Gelinkii dambe ee Maanta soo saaray Warsaxaafadeed ay kaga hadleen ganaaxaas iyo Go’aankooda.

Afhayeenka Ururka Qareenada Soomaaliyeed Abukaate Cali Xalane oo Warbaahinta u Akhrinayay Warsaxaafadeedk ayaa sheegay in aysan jirin wax qoraal ah oo soo gaaray Ururka ee ku saabsan Ganaaxa Sideeda Qareen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shalay uun  ay Warbaahinta ka maqleen Magacaabista Sideed qareen oo loo wakiishay in ay difaacaan Siyaasiga Cabdiaxman Cabdi Shakuur Warsame.

Hoos Ka Dhageyso kana Akhriso Warsaxaafadeedka oo uu Akhrinayo  Afhayeenka Ururka Qareenada Soomaaliyeed Abukaate Cali Xalane.