Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Soomaaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirkii Amniga Qaranka ee Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedayda lagu go’aamiyey in Puntland lasiiyo hub ay kula dagaalanto Soomaaliya.
Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Hargeysa ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabada ka riixeyso maamulka Puntland,isla markaana Puntland lasiinayo hub iyo ciidan,sidoo kalena Puntland la geynayo Ciidamada AMISOM sida uu hadalka u dhigay
Waxa uu sigaar ah u eedeeyey Madaxda Maamulka Galmudug oo uu sheegay in ay aas’aaseen Burcad Baddeeda Soomaalida,isla markaana weli u socdo xasuuqii lagu haayey Shacbiga Soomaaliland
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Soomaliland gaar ahaan,iyaga oo ku andacoonaya in Gobolka Sool ay iyagu leeyihiin.
Weli hadalka ka soo baxay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Soomaaliland Eng Feysal Cali Waraabe kama jawaabin dowladda Federaalka Soomaaliland iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Soomaaliland.