Dhageyso:-Sheekh Axmed Fanax”Si awood sheegasho ah ayaa xilkii leyga qaaday ruux kale loogu Magacaabay waana fowdo”

Shalay gelinkii dambe Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu Magacaabay xilal Cusub oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Magacaabistaas ayaa daba joogtay khilaaf soo kala dhex galay gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Koonfur Galbeed iyo Shariif Xasan,waxana Axmed Cabdullaahi Fanax uu horay u sheegay in Garsoorkii Koonfur Galbeed xoog lagu heysto.

Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax oo Magacaabista kadib ay Dalsan la xiriirtay ayaa sheegay in Magacaabistaas aan loo marin wado Sharci ah maadaama aan horay loo ogeeysiin xilka qaadistiisa.

Waxa uu sheegay in xilka qaadistiisii an Baarlamaanka la marsiin isla markaana tani ay qeyb ka tahay musuq maasuqa iyo fowdada dalka ka jirta sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Axmed Cabdullahi Xuseen Fanax.

Dhageyso:-Sheekh Axmed Fanax”Si awood sheegasho ah ayaa xilkii leyga qaaday ruux kale loogu Magacaabay waana fowdo”